Gabadh Soomaali ah oo asturan oo Tartan qurux Minnesota kaga qaybgashay

Bulsha:- Gabadh Soomaali ah oo asturan oo Tartan qurux Minnesota kaga qaybgashay

Gabadh Soomaali ah oo haysata dhalasho Maraykan ah ayaa markii u horaysay ka qaybgashay tartanka quruxda gabdhaha ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyada oo asturan.
Xaliimo Aadan oo 19 jir ah ayaa soo xiratay dharka asturan ee Muslimiinta iyada oo jirkeeda qarisay intii uu bandhigu socday.
Xaliimo oo ku dhalatay Kenya iyada oo yarna u wareegtay magaalada St Cloud ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa ka mid noqotay 15 ruux ee ugu sareeyay tartankaas oo labo maalmood socday.
Waxay sheegtay in ay rajaynayso in ka qaybqaadashadeedu ay dhiirrigalin u noqoto dumarka kale ee Muslimiinta ah si ay isugu kalsoonaadaan.
Dadka deegaanka magaalada St Cloud ayaa sheegay in ay aad ugu furaxday in ay ka mid noqotay 15-kii ruux ee ugu sareeyay ayna taageero badan ka heshay haweenka dunida ku kala nool.
Xaliimo ayaa taageero badan ka heshay haween ku kala nool adduunka dacaladiisaLahaanshaha sawirka

 


Xaliimo ayaa taageero badan ka heshay haween ku kala nool adduunka dacaladiisa
Xaliimo waxay sheegtay in arrintan ay u tahay guul wayn ayna tahay gabadhii u horaysay ee billawda arrintan ayna rajaynayso in ay aragto haween badan oo Muslim ah oo asturan, loona dabaal dago arrintaas.
Gobolka Minnesota ayaa hoy u ah Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Maraykanka.
Denise Wallace oo madax ka ah tartanka quruxda ee Miss Minnesota USA pageant, ayaa ammaantay go’aanka ay Xaliimo ku soo xiratay dharka dhaqanka.
Meredith Gould, oo dagan Minneapolis ayaa ku guulaysatay tartanka waxayna sanadka dambe ka qaybgali doontaa tartanka quruxda Maraykanka ee sanadka soo socda dhici doona.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment