Baarlamaanka oo diiday in lagu laabto kuraasta 8-Xildhibaan oo muran galay

Bulsha:- Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta diiday go’aankii ka soo baxay Maxkamadda sare ee dalka ee ahaa in dib loogu noqdo doorashada 8-dii kursi ee muranka ka taagnaa.

Xildhibaanada ayaa difaacay xubnaha 8-da Xildhibaan ee kuraastooda muranka la geliyay, kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay si caadi ah uga qeyb galayay fadhiyad Baarlamaanka.

Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu maanta go’aamiyey in natiijadii doorashada 275-ta xildhibaan ee sanadkii 2016, ay tahay mid xalaal ah oo kama danbey ah, mana jirayso buu yiri Goluhu wax doorasho dib loogu celinayo.

Go’aanka waxaa uu ahaa mid cod loo qaaday sida caadada ah marka uu Goluhu go’aamo gaarayo, cod la geliyey suggida xubinnimada iyo qaabka booska lagu weyn karo , waxaa ogolaaday 180xildhibaan , halka ay ka aamuseen 4xildhibaan.

Golaha waxaa uu sidoo kale ka hadlay in sababta keliya ee doorashada loogu celin karo ay tahay 6-da qodob.

1-Xubinta oo Geeriyoota.

2-Xubinta oo ay la soo gudboonaato xaalad xilgudasho la’aaneed joogta ah.

3-Xubinta oo istaqaalad u gubdisa aqalka ay xubinta ka tahay, laguna ogolaado.

4-Ka-maqnaashiyo labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aaney jirin sabab maangal ah.

5-Haddii ay xubinta aqbasho xil dowladeed aan wasiir aheyn.

6-Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaadinnimo, sida ku cad sharciga.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment