Ugu Dambeyntii Gabadha Musal Salada Caanka Ku Ah Mouni Roy Oo Akshay Kumar La Duubi Doonto Filimka Gold

Bulsha:- Waxaan horey idin kula wadaagnay gabadha musal salada caan ku ah Mouni Roy gaar ahaana musal salka Naagin 2 magac weyn ku yeelatay inay Super Star Akshay Kumar la sameyn doonto filimka Gold.

Haatan si rasmi ah ayaa loo xaqiijiyay in Mouni Roy filimka Gold duubistiisa la qayb qaadan doonto laga bilaabo bisha August ee sanadkaan.

Gold waa filimka hadlaayo sanadii 1948 iyo markii ugu horeesay Hindiya kusoo guuleesteen bilada Olympicada aduunka oo dahab ah gaar ahaan cayaarta Hockey-ga waxaana filimkan xaqiiqada ku saleesan hogaamiye ka ah Akshay Kumar halka Reema Kagti ay Director ka tahay.

Qof aad ugu dhow mashruuca Gold ayaa saxaafada u sheegay in Mouni Roy ku matali doonto filimkaan waji aan looga baranin sidoo kalena duubis ahaan waxay ku leedahay 20 ilaa 25-maalmood shaqo ah.

Gold waxaa lagu soo bandhigi doonaa 12-sano oo ay Hindiya awood ku heesteen cayaaraaha Olympic-da ayadoo sedex tartan oo isku xugto guulo taariikhi ah kala soo laabteen cayaarta Hockey-ga.
Qorshaha wuxuu yahay in filimka Gold la daawado 15 August 2017 waana arin xiiso badan in Akshay Kumar iyo Mouni Roy shaashada kasoo muuqan doonaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment