Bulsha:- Waxaan horey idin kula wadaagnay gabadha musal salada caan ku ah Mouni Roy gaar ahaana musal salka Naagin 2 magac weyn ku yeelatay inay Super Star Akshay Kumar la sameyn doonto filimka Gold.
Haatan si rasmi ah ayaa loo xaqiijiyay in Mouni Roy filimka Gold duubistiisa la qayb qaadan doonto laga bilaabo bisha August ee sanadkaan.
Gold waa filimka hadlaayo sanadii 1948 iyo markii ugu horeesay Hindiya kusoo guuleesteen bilada Olympicada aduunka oo dahab ah gaar ahaan cayaarta Hockey-ga waxaana filimkan xaqiiqada ku saleesan hogaamiye ka ah Akshay Kumar halka Reema Kagti ay Director ka tahay.
Qof aad ugu dhow mashruuca Gold ayaa saxaafada u sheegay in Mouni Roy ku matali doonto filimkaan waji aan looga baranin sidoo kalena duubis ahaan waxay ku leedahay 20 ilaa 25-maalmood shaqo ah.
Gold waxaa lagu soo bandhigi doonaa 12-sano oo ay Hindiya awood ku heesteen cayaaraaha Olympic-da ayadoo sedex tartan oo isku xugto guulo taariikhi ah kala soo laabteen cayaarta Hockey-ga.
Qorshaha wuxuu yahay in filimka Gold la daawado 15 August 2017 waana arin xiiso badan in Akshay Kumar iyo Mouni Roy shaashada kasoo muuqan doonaan.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment