Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo isku dhiibay dowladda Farmaajo, bilaabayna iney…

Bulsha:- Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa markaan waxay si rasmi ah u bilaabeen iney wada shaqeyn aan cabsi lahayn la yeeshaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Shacabka oo arkay in Al-shabaab aysan cidna ixsaan u faleyn, kadib qaraxyo maati lagu laayey oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxay go’aan ku gaareen in magaaladooda ay Al-shabaab qeybtooda ka sifeeyaan.

Shacabka ayaa bilaabay iney ciidanka dowladda u sheegaan wax walbo oo ay ka shakiyeen, una maleeyaan in dhibaato kasoo socota.

Walxaha qaraxa ee maanta ciidanka ku qabteen degmada Wadajir waxaa soo sheegay shacabka Muqdisho oo ka shakiyey waxyaabaha meeshaasi la dhigay.

Sidoo kale shacabka ayaa bilaabay in ay is xisaabiyaan si loo ogaado cid walbo oo magaalada cusub, waana shaqo ay si iskood ah isugu direen.
Dowladda iyo ciidankeeda dhankooda waxaa looga baahan yahay iney wada shaqeyn buuxda la sameeyaan shacabka, sidoo kalena ay ka daayaan cadaadiska iyo waxyaabaha shacabka dhibsanayaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment