Bulsha:- Hawlgalka xasilinta Caasimadda waxaa looga gol leeyahay in nabad buuxda lagu soo dabbaalo Muqdisho, dadka shacabka ahna ay helaan nabadgelyo la isku halleyn karo.
Intii uusan hawlgalka bilaaban kahor waxaa Muqdisho laga saaray ciidamo militari ah oo 3 Kun kor u dhaafaya, kuwaas oo lagu xareeyay Balli Doogle. Ciidamadaas waxaa loo diyaariyay in ay cadowga ugu tagaan meelaha ay weerarrada kasoo maleegaan. Si lamid ah, waxaa la diyaariyay ciidan masuuliyad iska saara nabadgalyada Muqdisho.
Waxaa jira hub iyo gawaari dagaal oo magaalada dhex socda oo aan wax ruqsad ah ka haysan laamaha amniga. Taasi waxay fududeynaysaa in Shabaab ay kusoo dhex dhuuntaan iyaga oo ciidan iska dhigaya.
Si kan sharwadaha iyo kan shacabka difaacaya loo kala garto waa in ay caasimadda yeelataa hal ciidan si aysan fursad u helin kuwa maalin walba xasuuqaya shacabka birimageydada ah.
Qorshaha xasilinta Caasimadda iyo hub ka dhigis yaan la isku khaldin. Way imaan doontaa maalin hubka la iska uruuriyo, waana marka aan dhisanno ciidan qaran oo matala dalka oo dhan.
Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho, waxaa laga codsanayaa in ay hay’adaha ammaanka kala shaqeeyaan sidii hubka suuqyada lala taaganyahay looga sifeeyn lahaa. Nabad iyo Nolol wanaaagsan baa na deeqda.
Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Abdinur Mohamed Axmed.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment