Macallinkii hore ee kooxda Liverpool Brendan Rodgers oo ku aqal galay Scotland… + SAWIRRO

Bulsha:-  Tababaraha kooxda kubadda cagta Celtic ee Brendan Rodgers ayaa ku aqal galay dalka Scotland.

Brendan Rodgers ayaa guursaday gabadha la yiraahdo Charlotte Searle, waxaana ay soo gabagabeeyeen muddo ay jaceyl wadaag ahaayeen.

Arooska macallin Brendan Rodgers iyo Charlotte Searle ayaa waxa uu ka dhacay Loch Lomond oo ah meel lagu ciyaaro ciyaaraha Golf-ka oo ku taala dalka Scotland.

Tababarihii hore ee kooxda Liverpool ayaa markiisii ugu horreysay gabadhan 34-sano jirka ah kula kulmay garoonka Anfield, halkaasoo ay ka shaqeynaysay sida wararku ay sheegayaan.

Rodgers ayaa sanadkiisii ugu horreeyey ee uu leyliyey kooxda Celtic iyadoo guuldarro la’aan oo aan hal kulan laga badin ku hoggaamiyey horyaalka dalkaas Scotland.

SAWIRRO:









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment