Hooyada uurka leh iyo dhibaatada haysata.

Bulsha:- In banu- aadamku tarmo waa saldhiga waaritaankiisa oo si noloshiisuu ay usii socoto waa in la shaqeeyo ,waxaana shaqada xoogeeda qabta dadka inta da”da yar ,tarantana waxaa saldhig u ah hooyo caafimaad qabta.

Hadaba hooyada uurka leh sidee bay uu nooshahay degaankan.

Waxaase nasiib daro ah in qarnigii 21aad aynu ka hadlayno hooyo uur leh oo ay hayso aqoon daro,jiro,nafaqo daro werwerna ku nool.

Qoraal kani waa taxane aan rabo in aan bulshada usheego uu ku baraarujiyo halista ka dhalata mark ay hooyada uurka lehi aanay daryeel fiican heli Karin iyo raadka ay ku leedahay ilmaha uurka ku jira , waxaana hubaal ah hooyo caafimaad qabta, aqoon fiican leh,aan werwer iyo buuq ku noolayn ayaa ilmo caafimaad qaba dhasho.

Hooyooyin badan oo uur leh ayaa maanta jooga geyigan aynu ku noolnahay waxaana ku haysta dhibaatooyin ay ka mid yihiin:

1. Aqoondari ku saabsan caafimaad keeda guud ahaan gaar ahaan inta ay uurka leedahay caafimaadkeeda iyo kan ilmaha ay sido oo aan kala maarmin

2. Dhaqaale xumi iyo nafaqa daro sababo badan leh.

3. Jiro ku dhacday inta ay uurka leedahay ama mid uurka ka hor ay qabtay

4. Shaqo adag oo wax laga yaaban iyadoo sedkeedu dhowyahay in ay qoys dhan ushaqayso sababo kala duwan, sababahaas oo noqon kara:in ay carruur agoon ah haysato,in nin jiri ah oo nolosha ka haray qabo,in caruurta lagu furay ay keligeed ku tahay

5. In welwel iyo walbahaar noloshu wadato ay ku nooshahay markaas.

Arimahaas waxaan isku taxalujinaya in aan si kookooban iyadoo taxane ah (sadex ila afar qoraal) ugaga waramo

1. Aqoon darida iyo dhaqaale xumidu dhibaatada ay ku hayaan hooyada uurka leh:

Ilmuhu maaalintuu abuurmo ilaa markuu dhasho waxay qaadataa mudo sagaal bilood ah dhakhtarnimada waxaa loo qaybiyaa sadex sadex bilood oo kala ah saxexda bilood ee hoore ,sadex dhexe iyo sadex dame(sagaal ki bilood waxa laga dhigay sadex qaybood) .Sagaal kaas bilood ee uurku socdo dhib kasta oo hooyada uurka leh gaara wuxu saamayn weyn ku leeyahay ilmaha ay sido.

Waxyeelada ugu weyn ilmaha uurka ku jira waxay gaartaa sadexda bilood ee hore oo ah bilaha ilmaha xubnihiisa muhiimka ahi samaysmayaan.

Marka laga reebo cudurada layska dhaxlo dhibaatada ugu weyn uurka cusub waxaa ugeysta daawada hooyadu qaadato qaybtood , cudurada hooyada ku dhaca mudadaas ama cuduro ay qabtay intaanay uuurka cusub yeelan.

Hadaba side bay ilmaha uga muuqdaan dhibaatooyinka ay keenan daawada ay hooyadu qadato iyo cudurada ku dhaca inta ay uuka sido:

1.Ilma ka soo qubta

2.Ilma meyd ah ay dhasho

3. Ilma dhicis ah ay dhasho

4.Ilma xubnaha jirkiisu aanay dhamaystirnayn waxaana ugu badan oo aanu aragnaa(bossaso) ilmaha wadnaha qayb ka mid ahi aanay shaqo fiican qaban Karin sida:qollalka wadnaha oo isu furan

.5.Ilmo miisaan yar.

6.Ilmo marku dhashoba cudur la kowsada weliba cuduro halis ah

Xusuusin: Bulshada inta badan waxa lagu dhawaaqa xaaski hebel waa dhashay.maxay dhashay (wiil ama gabar) lakin qofna isma weydiiyo ilmaha ay dhashay xaaladiisu side tahay ma caafimaad qaba .
Dadka ku nool bosaso waxaa caado u ah rag iyo dumarba in farmashi la tago oo daawo la miisaanto, hooyada uurka lihi kama duwana bulshadaas oo sidaas ayay iyada oo jiran, uurna leh ama aanay ogayn inay uur leedahay farmashi utagtaa kana gadataa daawada ay isleedahay waad ku caafimaadi.

ka dibna waxay dhashaa ilmo xubnihiisii qayb ka mid ah dhiman tahay waxaana ka mid ah uguna badan ilmaha wadnuhu daloolo sabab kasta ha ahaatee . waxaa kaloo soo kordhay mudaadan danbe niman iyagu dhir wax ku daaaweeya,dhirtaa oo aan la garanayn waxyeelada,waxaase hubaal ah in dhirtaasu dhibaato ugeysan karto hooyada uurka leh iyo ilmaha ay sido.

Waxaan jeclahay inaan idiin xasuusiyo in bulshada bosaso ku nool qaybtood oo hooyada uurka lihi ka mid tahay ay aamin sanyihiin inay qabaan labo cudur oo kala ah:Tiifow iyo burusella ayna caadi utahay bulshada in faramashi daawo cuduradaas looga qaato waana wax bulshadu iska aamintay.

Dhaqaala xumida hooyada uurka lihin waxay keentay in aanay dhakhtar tegi Karin daawana gadan Karin arintaasi waxay aad iyo aad u fududaysay la dhaqanka farmashiyaasha iyo in hooyada uurka lehi daawo qiimo jaban si fudud ku qaadato cudur kasta ha qabto.

Hadaba sidee arinkaas looga gudbi karaa ?

1. In hooyo kasta oo guri leh hadii ay caadada weydo dhakhtar dumar utagto oo hubsato in uur jiro iyo in kale,hadii markaas uur jiro ay la tashato dhakhtarka dumarka oo ay weydiiso siday udhaqmi lahayd maxaa ku haboon? Maxaa ka reeban? Inta ay uurka leedahay.

2. In hooyo kasta oo uur qaada si joogto ah ula xiriirto xarumaha haweenka iyo caruurta lagu xanaaneeyo loona yaqaan MCH ka. magaalada Bosasowaxaa ku yaal lix MCH, dumarka uurka leh ee ku xiran xarumahaas waa waryihiin taasna waxaa keentay aqoon darida hooyada iyo aabaha qoyska oo ann garanayn danta ku jirta la socodka xaalada caafimaad ee hooyada uurka leh

3. Aqoonta bulshada ee arimaha caafimaadka (healthy education ) oo kor loo qaado iyadoo la adeegsanayo war baahinta sida Raadiyaha,Telifishinka,Wargeysyada iyo in lagu daro manhajka iskoolka

4. In hooyada uurka leh siiba bilaha dambe laga ilaaliyo shaqada adag.

5. Shaqaalaha farmashiyaasha iyo kuwa daawada dhirta gada in lagu baraarujiyo dhibatada daawada uleedahay hooyada uurka cusub leh (siiba 16ka isbuuc ee hore).

M.S.SHAADHEEYE










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment