Gauri Khan ” Hadiiba Aan Farxad Iyo Qosol Dareemayo Waa Marka Aan Lashakeysanaayo Shah Rukh Khan”

Bulsha:- Inaad Xidig xaaskisa noqoto wax sahlan ma aha hadana waa wax lagu faano, Gauri Khan hadeesan aheyn SRK heerkan maanta ma uusan gaareen.

waa lamaane nolosha wadaagen bilawgii noloshooda, xidigahan waxay isku barteen xaflad uu Anupam Kher dhigtay hada kahor bilawgii 90kii iyo dhamaadkii 80kii.

Gauri Khan waa qof magac leh, oo inbadan caan ku ah diyaarinta alaabta guriga la dhigto iyo waxyaabo kale, sido kale waa shaqsi filimada maal galisa waayo SRK shirkadiisa ayeeba madax ka tahay.

hadaba Gauri oo wareysi lala yeeshtay ayaa cadeysay in ninkeeda SRK yahay shaqsiga kaliya ee farxad galiya, sido kalena ay aad u jeceshahay.

Gauri oo hadleeso waxay tiri,” marwalba mashruuc walbo an ka howlgalaayo waa mid dooran oo inbadan aan ka fiirsaday, waxaana iska ahay qof shaqadiisa inta badan ku mashquulsan, Aryan iyo Suhaana waa kuwa kumashquulsan Schoolkooda.

halka SRK na yahay Super Star weyn oo mashquulkiisa badan, hadaba waxaa marwalbe ila joogo waa Abraham, sidaa awged wax cidlo ah ma dareemo.

marwalbo waa kii ifarxad galiyo, markaan lashekesanaayona farxad iyo qosol iima dhina waayo waa qof aad moodo inuuba usameysanyahay inuu kaa farxiyo kaliya.”

dhanka shaqada SRK waxaa laga sugaaba waa filimkiisa xiga ee Jab Harry Met Sejal kaaso ay la hogaamineyso Anushka Sharma halka uu Director ka yahay Imtiaz Ali qorshahana waa in la daawado 4 Aug ee sanadkaan












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment