Bulsha:- Alex Oxlade-Chamberlain ayaa ku riyaaqaya fasaxa uu la qaadanayo saaxiibtiis heesaaga ah ee Perrie Edwards.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal ayaa shukaansi la wadaagaya xiddigii Little Mix ku caanka ah tan iyo dhamaadkii sannadkii hore.
Oxlade-Chamberlain ayaa ka faa’idaysatay fasaxa Premier League, waxaana uu ku sugan yahay jasiiradaha fog.
23-sano jirkaan ayaa tusay dunida jirka cajiib ah oo ay leedahay saxiibtiis Perrie Edwards oo ah heesaa caan ah.
Labada shaqsi ayaa ku duulay helicopter, waxana taageerayaasha usoo bandhigeen videos iyagoo isticmaalaya barta Snapchat.
Socdaalkan waxa uu u imanayaa xili aan la hubin mustaqbalka Alex Oxlade-Chamberlain ku leeyahay garoonka Emirates, ka dib markii uu ka carooday wadahadalkii kooxdiisa ku dooneysay in ay heshiiska ugu kordhiso.


Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment