Bulsha:- Ka hor inta uusan ku biirin Barcelona laacibka reer Brazil ee Neymar Jr ayaa tijaabada caafimaad u maray kooxda Real Madrid, sida uu xaqiijiyey madaxweynaha kooxdaas ee Florentino Perez.
Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa u sheegay Onda Cero isagoo ka hadlayey arrinta Neymar: “Waxa uu Neymar tijaabada caafimaad u maray Real Madrid”
“Waxaan isku daynay inuu yimaado kooxda, laakiin waxaan aragnay in hal meel oo aysan suuro-gal ku noqoneyn, waxaana ka baxnay heshiiska.”
Markii dambe Neymar Jr ayaa ku biiray kooxda Barcelona oo uu iminka ka tirsan yahay sanadkii 2013-kii, iyadoo intaa kaddibna ay Los Blancos u weecatay soo xero gelinta Gareth Bale.

Real Madrid ayaana bishii September sanadkii 2013-kii waxa ay lacag rikoor ka noqotay suuqa kala iibsiga kooxda Tottenham kaga soo qaadatay laacibka garabka kaga dheela haatan ee Gareth Bale.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment