Gabar Walba Waxaa la Gudboon 4 Arimood in ay Sameyso Ka Hor Go’aanka Guurka

Bulsha:- Gabar walba way wareertaa markay rabto inay guursato, oo waxaa ku adkaada go`aanka guurka. Waxayna ka baqdaa inay ka shalayso oo ninku noqon waayo ninkii ku haboonaa. gabar walba oo muslimad ahi markay rabto inay guursato ama la soo doono, waxay samayn kartaa arimahan soo socda ee aad iyo aad u caawinaya, illaahayna kuma dayacayo madaama aad samaysay:

Istikhaaro: Istikhaaro waa salaad la tukado waana labo rakcadood, waxaana la tukadaa marka uu qofka qabsato arin uu kala garan waayo miyuu sameeyaa mise wuu iska daayaa. Qofku markuu labada rakcadood dhameeyo ayuu ducada istikhaarada akhrinayaa.

la tashi: qof aad ku taqaanid xikmad iyo aqoon iyo amaano sirta kuu xifdiya, akhlaaq iyo Alle ka cabsi leh la tasho, qofkaas wuxuu ka mid noqon karaa reerka sida hooyadaa ama habaryartaa ama eedadaa ama abti iyo wax lamid ah, ama qof shisheeye ah sida macalimada ama gabar kaa wayn. Ibnu taymiya wuxuu yiri: ma shalaayo qofka latashada dadka, mana hoogo qofka istikhaareeysta.

Ducada: salaad kasta markaad tukanaysid mar walba markaad sujuudid waa inaad duceeysataa, ducada aad doontid ku duceeyso, illaahay waydiiso jidka khayka leh inuu ku waafajiyo. Waqtiyada fadliga leh ee la aqbalo ducada inaad ku beegto ducadaada sida.

* Habeenka nuskiisa danbe.

* Adaanka iyo iqaamada inta u dhexaysa.

* Roobku markuu da’ayo.

* Maalinta jimcaha saacad ka hor maqrib, ama saacada ugu danbaysa casar.

* Salaada faradka ah kadib duceeyso.

* Sujuuda ku duceeyso salaad kasta.

* Ataxiyaadka danbe markaad akhrisid duceeyso ee salaad walba.

Soo warayso: ninka ku soo doonay, ama aad rabtid inaad guursatid iska warayso, dadka waydii. Khasab maha inaad adiga soo baaraysid, waxaa dhici karta in reerkiinu ay kuu soo baaraan wuxuu yahay. Qodobada ugu muhiimsan ee aad iska baaraysid waa kuwan:
* Diintiisa iyo akhlaaqdiisa.
* Inuu masuuliyada qaadi karo oo qof masuul ah uu yahay.

* Inuu reerka masruufi karo oo dhaqaalihiisa awoodo inuu reer dhaqdo.





* Nin kuu qalma oo aad isku mustawa tihiin ama kaa yaqaana dhinaca cilmiga iyo diinta, taasna waxay ku xirantahay gabar walba da`deeda iyo bulshadeeda iyo aqoonteeda iyo nafsiyadeeda.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment