Bulsha:- Madaxtooyada Somalia ayaa adkeysay kulamada ay Xildhibaanada baarlamaanka la qaatan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.
Agaasinka Guud ee Madaxtooyada ayaa soo saaray warqado lagu wargalinaayo Xildhibaanada booqashada ku gaara Xafiiska Madaxweynaha, si ay u buuxiyaan qodobo dhowr ah oo ku qoran warqadahaasi.
Xildhibaanada qaar ayaa maray shuruudaha lagula kulmaayo Madaxweynaha, kuwaa oo qaarkood la sheegay inaan weli lala kulansiin Madaxweynaha.
Shuruudaha la kulanka Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah:-
1-In Xildhibaan weliba ee doonaaya la kulanka Madaxweynaha uu is diiwaangaliyo.
2-In Xildhibaankii doonaaya la kulanka Madaxweynaha uu buuxiyo feel.
3-Inuu qoro warbixin kooban oo ka turjumeysa ujeedkiisa ku aadan la kulanka Madaxweynaha.
4-In feelka uu buuxinaayo uu ku qeexo halka lagala soo xiriiri karo haddii uu Madaxweynaha ka jawaabayo dalabka kulanka.
Xildhibaano dhowr ah oo buuxiyay foomamka ayaan weli lala xiriirin si ay ula kulmaan Madaxweynaha Somalia oo ay ka doonayaan qorshooyin gaara.
Sidoo kale, Xildhibaanada qaar ayaa dib uga laabtay Villa Somalia kadib markii ay ku qanci waayen shuruudaha lagu xiray.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa marba marka xigta sii adkaanaya shuruudaha lagu arki karo Madaxweynaha.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment