Daawo Sawiro: R/wasaaraha Soomaaliya oo gaadhay magaalada Addis Ababa iyo Qaabkii Loogu soo dhaweeyay

Bulsha:- Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay msuuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya.

R’iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa oo ka duulay Magaalada muqdisho ayaa waxa ay ka qeybgeli doonaan shirka Urur goboleedka IGAD, ee ka furmaya dalkaas, kaas oo Sanadkaan looga hadlayo dhibaatooyinka ka jira Sudanta Koonfureed.

Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayay in shirkaas uu ka qeybgalo balse sababo jira awgeed uu ka cudur daartay.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa iclaamiyay in uu shirkaas furmo sababo uu ku sheegay xaalado aad u xun ay ka jiraan Sudanta Koonfureed gaar ahaan Magaalada Jubba.
Ra’iisul Wasaare Kheyre,waa Safarkii labaad uu dalka dibaddiisa uu ku tago tan iyo markii loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyadoo uu horay u tagay dalka Qatar.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment