DAAWO:- Muna Kay” Xildhibaanada waxay iga dalbadaan Cabaayado iyo Suudad”

Bulsha:- Xildhibaanadda caanka ku ah Fashion-ka ee Muna Sheekh Khaliif Abuu (Muna Kay) ayaa ka sheekeysay Ganacsigeeda Dharka Fashion-ka ah iyo sida ay uga faa’ideysatay Xubnaha kale ee Baarlamanka Soomaaliya.

Xildhibaanad Muna Kay ayaa sheegtay inay aad uga maseereen Haweenka ku jira Baarlamanka Soomaaliya sida ay u labisato Maadaama ay tahay Gabar aad  qurux badan, waxayna hada dhamaan qaateen dharka ay soo saarto shirkada ay leedahay.

Xildhibaan Muna ayaa sheegtay in dadka inta badan ay weydiin jireen Xildhibaanada labiskooda ma bedeleysaa? Maadaama ay ku jiraan kuwa badan oo dhalinyaro.

Waxay sheegtay in hablaha Xildhibaanada ah ay diidayaan in ay arkaan haweeney kale oo ka shidan, sidaasna ay ku qasabtay inay raadiyaan labis fiican, sidoo kale waxay intaa ku dartay in maamooyinka xildhibaanada ah ay iyaguna bilaabeen inay soo xertaan Cabaayado aad u qurux badan.

Wareysigaan ayaa waxay siisay Telefishinka Goob joog ee Magaalada Muqdisho waxaana uu ahaa wareysigii ugu horeeyay oo ay bixiso tan iyo markii ay xildhibaan boqotay.

Hoos ka Daawo Wareysiga Muna Kay








Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment