DAAWO:- Banaanbax Lagu taageerayo Barnaamijka Xasilinta iyo Madaxda Dawlada oo ka socda Muqdisho

Bulsha:-  Bannaan bax lagu taagerayo barnaamijka xasilinta Caasimadda iyo wada shaqeynta hay’adaha Amniga iyo shacabka oo ay kasoo qeyb galeen dad kor u dhaafaya 30 Kun ayaa haatan ka socda Garoonka Koonis.

Sidoo kale waxaa taageero loogu muujinayaa  boqolka maalmood ee Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Xilka Hayey.

Kumanaan ruux oo badan haween ayaa ka qeyb qaadanaya banaan baxa, kuwaasoo saakay gaadiid looga soo qaaday degmooyinka, waxaa ay wataan calanka Soomaaliya, fanaanado iyo Koofi uu ku sawiran yahay Madaxweynaha.

Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiiro, Xildhibaano, qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeedin doona banaan, baxa, taasoo noqoneysa khudbadii u horeysay ee uu shacabka u jeediyo.

Banaan baxan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee lagu taageerayo Madaxweynaha oo ka dhaca Muqdisho.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment