Labo Gabdho Oo Ku Ogaaday Xawaalad In Hal Nin Uu Qabo Ka Dib Maxay Sameeyeen. g

Bulsha:- Maalin ayaa waxaa dhacday wiil soomaaliyeed oo ku nool qurbaha gaar ahaan Eithopia ayaa waxaa uu la kulmay gabar soomaaliyeed oo ay ku kulmeen safaaradda Mareekanka ee Eithopia ku taal, isagu waxa uu ag dagnaa safaaradaasi Mareekanka waxa uuna arkay gabadhaan aadka u qurxda badan ee Soomaalida ah waa ay isbarteen ka dibna waxay kala qaateen saxiix ah inay is guursanayaan iyaduna waxa ay u socotay magaalada Oslo ee dalkaasi Norway inta aysan tagin ayay aqal galeen gabadhii aya tagtay oo waxay gaartay Magaalada Oslo waxay dagtay meel soomaalida aysan u badneyn

Muddo gaaban ka dib gabadhii ayaa bilowday inay lacag u dirto saxibkeeda ku nool Eithopia.

Waxaa iyadoo taa jirta qadka soo gashay gabar kale oo soomaali ah iyuna u socotay Magaaladaasi Oslo ee dalkaasi Norway waxay alle amarkii dagtay magaalada ay ku nooleed gabadhii kale soomaalida aheyd

Iyuna gabadhaan kale ee soomaalida ah waxay bilowday in saaxiibkeed ay lacag u dirto magaalada ay labada gabdho dageen waxa uu ku tiilay hal xawaalad oo lacagta laga diro

Maalin ayaa labadii gabdho waxa ay soo wada galeen xawaaladda waa ay isa salaameen is habsiin iyo qosol ka dib waxay bilaabeen in lacagtii loo diro

Gabdhaha midood ayaa mida kale maqashay saaxiibkeed magaciisa seddaxan oo lacagtii loogu diray waa ay yaabtay waxay weydiisay gabadha kale wiilka waxa ay isku yihiin waxayna uga jawaabtay waa ninkeyga


Timaha ayaa leysku dhagay waxaa bilaawday dagaalkii Soomaalida ay dumarku isku yaqiineen muddo gaaban ka dib waa lakala qabtay waa ay heshiiyeen waxayna wada waceen saaxiibkood oo meel shaah lagu cabo dhalan yaro la baashaalayo markaasii yiraahdeen Saaxib manta ka dib magaalada iska dhici labadeeniba waan ku furnay

Hadaba hadii sheekada adiga ay kugu saabsanaan laheyd maxaad sameyn laheyd ilaan labo fursad ayaa ku dhaaftay labo naag oo quruxbadanna waad weysay lacagtii laguu soo diraayina waad waysay maxaad sameyn lehyd.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment