Abaalmarin caalami ah oo la siiyey Drs Xaawo Aadan Cabdi

Bulsha:- Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo muddo dheer ka shaqyeneysay gargaarka caafimaadka goobaha barakacayaasha ee Soomaaliya ayaa Jaamacadda Harvard  ee dalka Marekanka ka heshay Jaamacado sharaf aqoonsi waxqabadkeeda.

Drs Xaawo Aadan Cabdi Dhiblaawe oo ka mid ah Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee gudaha dalka muddo todobannaan sanno ah ka shaqeynayey, gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin dadka liita, sida dadka barakacayaasha ah iyo meelo kale oo muhiim ah, ayaa la aqoonsadey waxqabadkeeda dhinaca caafimaadka kaddib qiimeyn ay sameysay Jaamacad ku taalla dalka Mareykanka.

Jaamacadda Harvard ee dalka Marekanka shahaadadaan waxa ay sidoo kale guddoonsiiyey sagaal qof oo kale oo ay ka mid yihiin Jiliaayaal, Dhaqaatiir iyo dad kale oo caan, sida Ninkii sameeyey Shabakadda Facebook Mark Zuckerberg.

Drs Xaawa Aadan iyo labadeeda gabdhood oo dhaqtar ah, ayaa sameeyey dedaallo miro-dhal ah oo ku aaddan u gargaaridda dadka tabaaleysan,  gaar ahaan  kuwa qaba cudurrada faafa qaba, iyadoo Isbitallada ay ka shaqeeyeen haweenku ay ka faa’ideysteen gargaarka lagu bixiyo.




Dr Xaawa ayaa soo dhoweysay Shahaado Sharafta ay ka heshay Jaamacadda Harvard ee Mareykanka, isla markaana ku tilmaamtay guul Soomaaliyeed, gaar ahaan mid ay gaareen dhaqaatiirta Soomaalida ah.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment