Bulsha:- Wararka ka imaanaya gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay weerar uu geystay Nin hubeysan oo madow ah.
Weerarka oo goordhow dhacay ayaa waxaa lagu toogtay inkabadan Todobo ruux oo uu ku jiro Sargaal ka tirsan Booliska gobolka Mississippi.
Sargaalka toogashada lagu dilay ayaa kamid ahaa ciidamada ku baxay weerarka waxaana ku dhacday dhowr rasaas oo ay is weydaarsanayeen ciidamada iyo ninka madowga ah ee weerarka qaaday.
Saraakiisha Hay’ada amaanka Booliska gobolka Mississippi, ayaa sheegay in ninkani madowga ah uu ku hubeysnaa qori isla markaana toogasho ku dila todoba qof.
Ninkaani ayaa weerarka ku qaaday sadex guri oo labo ka mid ah ku yaaleen xaafada Brook-haven halka guriga 3aad uu ku yaalla xaafada Bogue Chitto.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment