Waan Ka Xunahay Varun Iyo Alia Dhawananahan Ma Wada Shaqeyn Doonaan

Bulsha:- Varun Dhawan iyo Alia Bhatt marwalbo oo ay wada shaqeeyaan hadal heyn xoogan ayay abuuraan waana laba guusha u saaxiib ah, balse waxaa la sheegay in dhawaanahan aysan wada shaqeyn doonin.

Varun iyo Alia sedexda filim oo ay isla sameeyeen waa kuwo wada guuleesteen Student Of The Year, Humpty Sharma Ki Dulhania iyo Badrinath Ki Dulhania oo siweyn loo jecel yahay sheeko ahaan iyo bandhiga ay shaashada ka muujiyeen.

Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in Varun Dhawan haatan ku mashquulsan yahay filimka Judwaa 2 oo ay la jilayaan Taapsee Pannu iyo Jacqueline Fernandez kadibna filimo kale ayuu sameyn doonaa oo aysan Alia isla sameyn doonin.

Sidoo kale Alia Bhatt dhawaan waxay ka hawl gali doontaa filimka Dragon oo ay Ranbir Kapoor la jileyso kadib waxaa u xigi doono filimka Gully Boy oo ay Ranveer Singh la jileyso waxaana ugu sii xigi doono filimka Aashique 3 oo ay Siddharth Malhotra la jileyso.

Sidaa darteed Varun iyo Alia Bhatt oo 5-sano ee ugu dambeesay sedex filim hirgaleen isla jileen waxay u badan tahay in sedexda nagu soo fool leh aysan wax mashruuc ah wada sameyn doonin.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment