Waa kuma weeraryahanka ugu fiican horyaalka EPL, Diego Costa mise Romelu Lukaku?

Bulsha:-  Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa aaminsan inuu Diego Costa-ha Chelsea yahay weeraryahanka adduunka ugu wanaagsan waqti xaadirkaan.

Ammaanta Antonio Conte ayaa imaaneysa xilli Chelsea ay ka hor imaaneyso kooxda Everton taasoo heysata weeraryahanka hogaaminaya gooldhalinta horyaalka England Premier League Romelu Lukaku.

Diego Costa ayaa 19 gool ka dhaliyey xilli ciyaareedkaan horyaalka Premier League, haddii aan la xisaabin laheyn seddax ka mid ah goolashiisa, Chelsea waxay haatan ka hooseyn laheyd 15 dhibcood halka ay haatan taagan tahay.

Weeraryahanka reer Belgium Lukaku oo 23 sanno jir ah ayaa waxaa si weyn u doonaya kooxda Chelsea iyadoo ay warbaahintu sheegeysay inay u aragto bedelka xiddiga reer Spain Costa oo 28 sanno jir ah.

“Lukaku waa wiil akhyaar ah oo aad u wanaagsan, laakiin inaga ahaan Chelsea waxaa muhiim u ah Diego, marka laga hadlaayo xilli ciyaareedkaan, wuxuu ahaa midka ciyaaraha natiijadooda go’aaminaayey xilli ciyaareedkaan,” ayuu yiri tababaraha reer Spain.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment