TANNA WAA DHACDAA: Lionel Messi wuxuu ka shaqeeyaa dukaan ku yaala Brazil (Sawirro Yaab Leh)

Bulsha:-  Bal qiyaas, waxaad u lugeysay dukaanka aad jeceshahay inaad ka iibsato macmacanka ka dibna waxaa halkaas kugu salaamay Lionel Messi oo diyaar u ah inuu kuusoo adeego wax walba oo aad dukaankaas uga baahan tahay.

Arrintaan waxaa xaqiiqsan kara oo keliya dadka booqda dukaan lagu iibiyo macmacaanka oo ku yaalla magaalada Sau Paulo ee dalka Brazil, wiil ka shaqeeya dukaankaas ayaana caan ka noqday baraha bulshada iyo degaankiisa oo dhan maadaama uu si weyn u shabbaho xiddigaha Barcelona iyo xulka Argentina.

Magaciisu waa Alejandro Pereira Negreiros waxaana si joogto ah maalin walba loogu qaldaa ninka ay kasoo wadajeedaan South America. Kuna darso 21 sanno jirkaan ayaa wax yar uun ka garanaya halyeeyga kooxda Barcelona.

Alejandro Pereira Negreiros ayaa daaha ka qaaday inay dadku bilaabeen inay sawirro la galaan kuna qaldaan Messi markii nin isaga la shaqeeya uu sawirkiisa dhigay barta Twitter. Sawirkaas ayaa macaamiil badan soo jiitay waxaana dib u RETWEETED gareeyey in ka badan 2,700, halka in ka badan 3,500 ay ka heshay.

Taageereyaasha kubadda cagta ee sida weyn u garanaya Messi ayaana arrintaan heer kale u qaaday, isticmaalaha Twitter kusoo gala Sergiocarp35 ayaa soo qoray: “Nolosha ayaaba sidaan oo kale ah, maalin ayaad tahay xiddiga ugu wanaagsan adduunka, halka maalinta xigta aad dukaan macmacaanka iibiya ka shaqeyneysid”.

Sababtoo ah Negreiros ayuu u maleeyey Messi, maadaama uu si weyn u shabbaho 29 sanno jirkaan. Wiilkaan oo arrintaan ka hadlayey ayaana yiri: “Dareen aad u qariib ah ayey ii tahay marka ay dadku iigu yeeraan Messi”.

Si kastaba ha ahaatee, Alejandro Pereira Negreiros wuxuu soo jeediyey inay riyadiisu tahay inuu maalin uun la kulmo ninka ay isku egyihiin Messi.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment