Daawo Video: RW. Khayre oo ka hadlay Qaadista Xayiraada HUBKA ee Somalia, Xaalada dalka iyo Midnimada Shacabka

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa wuxuu ka hadlay Arrimo badan oo ay ka midyihiin xaaladda dalka haatan uu marayo, Arrimaha dib u heshiisiinta, Xoojinta Hanaanka Dawladnimo, Bixinta Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda iyo arrimo kale.


Khayre ayaa wuxuu sheegay in dowladdu ay ka shaqaynayso dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed si loo gaaro horumar iyo isbadal, wuxuuna tilmaamay isaga iyo madaxda kale ee dowladda inay ku balameen inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara is qab qabsi iyo qilaaf, ayna ku dhaqaynayaan Dadka Dadka iyo Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in shirka London waqti hore uu soo bilowday, isla markaana loogu tagalagalay in lagu garab istago dowladda oo ay ka midtahay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo dowlad wanagga, Wuxuuna xusay inay shirka London la hortaggi doonto codsi ku aadan in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka ee saaran, si loo dardargeliyo amniga guud ee dalka hadana ay Bilaabeen.

“Shacabka Soomaaliyeed  aan u wada Shaqayno, Khilaaf kama dhexeeyo Shacabka Soomaaliyeed, Laakiin SIyaasiyiinta, Baarlmaaanka, Madaxwaynaha, R/wasaaraha iyo Maamul Goboleedyada Kuligeen waxaa ina Saaran Waajib inaan dadka la gelin Khal-khalAyuu yidhi Rw. Khayre.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment