Taliska ciidamada Kumaandooska Danab ee Puntland oo u jawaabay Saciid Deni “Isagaa dambiile ah”

Bulsha:- Taliska ciidamada Kumaandooska Danab ee Puntland ayaa u jawaabay madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay shaaciyay inuu cafis guud u fidiyay dhammaan saraakiishii hoggaamineysa ciidankii mucaaridka ee qeybta ka ahaa dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxa uu seegay inuu diyaar u yahay in uu wada-hadal la galo cidkasta oo qabta aragti ka gedisan dimuqraadiyadda, si buu yiri loogu qanciyo in awoodda dib loogu celiyo shacabka.

“Wixii ciidan ahaa waxaan halkaan ka cadeynayaa in dowladdu cafis u fidisay, oo General Jimacaale u wayn yahay,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska Puntland ayaa loogu jawaabay madaxweyne Deni wuxuuna talisku sheegay in qofka dambi galay uu isagu yahay, sida uu hadalka u dhigay.

“Taliska Ciidanka Kumaandooska Puntland ee Danab wuxuu bulshada Puntland iyo tan Soomaaliyeed oo cadaynayaa in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaanayo ee Siciid Cabdullaai Deni uu isagu dambi galay ciidanka kumaaandooska Danab oo uu fagaare ka sheegay in yihiin cadowga Puntland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka taliska Danab.

Hoggaanka ciidanka Danab ayaa sidoo kale madaxweynaha ugu baaqay inuu cafis waydiisto ciidamada oo ay sheegeen inuu u gefay iyo shacabka Puntland.

“Sidoo kale waxa uu dambi ka galay shacabka Puntland, isagoo dagaalo dad badan ku dhinteen ka riday Garoowe iyo Boosaaso, ayna la gudboon tahay inuu cafis ka dalbado Ciidanka Kumaandooska Danab iyo shacabka Puntland” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.


Ugu dambeyn wuxuu taliska hoosta ka xariiqay in hadda kadib ay u hogaansami doonaan go’aankii ay gaareen isimada dhaqanka oo ahaa in doorashada lagu qabto xilligeeda, sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in aysan aqbali doonon muddo kororsi

“Taliska waxa uu hoggaaminsan yahay oo uu ku shaqaynayaa go’aankii isimada dhaqanka Puntland ee doorashada inay ku dhacdo waqtigeedii 08/01/2024, mana aqbali doono muddo kororsi” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka kasoo baxay taliska ciidanka Danab.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment