Dhalinyaro lagu dilay Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Bulsha:- Kooxo hubeysan ayaa lix dhalinyaro ah oo Afar ka mid ah Arday ay ahaayeen   waxaa ay ku dileen duleedka Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Ardayda ayaa kusii jeeday degaanka xilliga la dilayay degaanka Huluqo si ay ehelkooda ay waqtiga fasaxa ula soo qaataan, waxaana lala dilay Darawalkii Gaariga ku waday iyo qof la socday.

Wararka la  helay ayaa sheegaya in dilka Dhalinyaradaan uu la xiriiro aanooyin qabiil oo ka jira meelo kamid ah dhulka Gobolka Waqooyi Bari.

Cadow Cumar Saciid oo ah Xildhibaanka  laga soo doortay degaanka Huluqo oo Dhalinyaradaan ay u socdeen ayaa ka tacsiyadeeyay.

Wararka Risaala ay heleyso ayaa dido kale sheegaya in mid kamid ah maleeshiyaadkii dilka geystay gacanta lagu dhigay  sidoo kalena kuwa haray ay ka raadjoogaan laamaha Ammaanka Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment