Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya oo gudbiyey dacwad ka dhan ah 18 sarkaal

Bulsha:- Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamuud ayaa maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyey dacwad ka dhan ah 18 sarkaal oo loo haysto eedo kala duwan.

Eedaha loo jeediyey saraakiishan ayay ka mid yihiin xatooyo xoolo dadweyne, been abuur dokumenti, musuq-maasuq, lunsasho iyo leexsasho xoolo dadweyne, ka faa’iidayaysi xafiis dawladeed, iyo dayacaad waajibaadka saarnaa.

Eedaysanayaasha ayaa isugu jira sagaal eedaysane oo xiran iyo sagaal eedaysane oo maqane ah.

Dadka lasoo eedeyey ayaa ah saraakiil haysay maamulka dhexe sida agaasimayaal, madaxda ka tirsanayd laanta socdaalka iyo jinsiyadda, canshuuraha, ruqsad siinta ajaanibta iyo xilal kale.


Xeer ilaalyaha ayaa ugu baaqay maxkamadda inay soo muddayso dhagaysiga dacwadda loo haysto eedaysanayaasha.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment