Booliska oo sheegay in 9 qof ay ku dhinteen Weerarkii Al-Shabaab ee xeebta Liido

Bulsha:- Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkii maleeshiyada Al-shabaab ay xalay ku qaadday makhaayadda Pearl ee xeebta Liida ay ku dhinteen sagaal qof oo lix ka mid ah ay ahaayeen rayid iyo saddex ciidamada ammaanka ah.

Booliska ayaa intaas ku daray inay 10 qof oo kale ay ku dhaawacmeen weerarkaas oo lasoo af-jaray saqdii dhexe ee xalay.

Bayaan kasoo baxay booliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in 84 qof oo ay ku jiraan carruur, haween iyo waayeel laga soo badbaadiyay halka uu ka dhacay weerarkaas.

Kooda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment