Xamza oo kulan xasaasi ah la yeeshay golaha dhaqaalaha qaranka, farayna hal arrin

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay qodobada mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha dalka iyo barnaamijka dayn cafinta, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saaray kobcinta cilmi baarista dhaqaalaha, kobcinta heerka nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo wada-shaqeynta hey’adaha kala duwan ee dowladda iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka, si loogu diyaar garoobo koboc dhaqaale waara marxaladda ka dambeysa deyn-cafinta iyo ka xoreynta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Golaha dadaalkii ay ku bixiyeen diyaarinta wejiga 1-aad ee Hiigsiga Qarni-jirka ee 2060-ka, isaga oo faray inay dardar-geliyaan qorshaha dhaqaalaha dalka kadib deyn cafinta iyo sidii dalku u yeelan lahaa kaaboyaal dhaqaale oo xooggan.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa dhawaan isku raacay in dalka uu yeesho hiigsiga 2060, iyaga oo meel-mariyay talooyinkii ka soo baxay wajiga 1-aad ee geeddi-socodka diyaarinta hiigsiga 2060, kadib kulan ay ku yeesheen Madaxtooyada Qaranka, kaasi oo uu shir-guddoominayey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxay isla meel-dhigay in hiigsiga 2060 uu noqdo dukumentiga hagi doona dhammaan qorshahayaasha horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xasilloon, barwaaqo ah, dadkeeduna haystaan nolol tayadeedu sarrayso.

Golahaan ayaa waxa uu xilligaasi usoo jeediyay xukuumadda federaalka Soomaaliya in la ansixiyo diyaarinta hiigsiga 2060 iyo meel-marinta talooyinka ka soo baxay heerka farsamo ee golaha dhaqaalaha qaranka.

Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo dhammaystirka hannaanka dayn cafinta oo hadda meel fiican maraya, iyada oo xukuumadduna qaaday tallaabooyin la xiriira la-dagaalanka musuqa.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment