Bulsha:- Shirka 6-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowlada Federaalka Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir oo uu gudoominayo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho
Shirkan ayaa looga hadlayaa xaaladda Amniga dalka gaar ahaan wajiga labaad ee Howlgalada lagu Al-Shabaab , Dhameystirka Arrimaha Deyn cafinta iyo Dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ayaa diiday ka qeyb galka shirka, iyada oo ay xusid mudan tahay in shirkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Baydabo uu ka baaqaday ka qeyb-galkiisa.
Warar goor hore soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayeen in Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-Shabeelle loo xil saaray qancinta Madaxweynaha Puntland, balse ay ku guuldareysteen, taas oo keentay in uu ka baaqdo shirka Golaha wadatashiga Qaran.
Geba-gabada Shirka Golaha wadatashiga Qaran ayaa Madaxda waxaa ay kasoo saari doonaan Warmurtiyeed ay kusoo bandhigi doonaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen, iyada oo Puntland ay bannaanka ka joogto.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment