Faysal Cali Waraabe oo ku hanjabay inuu Muqdisho ka degayo + Sababta

Bulsha:- Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in wada hadalladii dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ay dib u bilaabanayaan ayuu guddoomoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe sheegay in xukuumadda hadda jirta ee Somaliland aanay xaq u lahayn in ay wada hadal la gasho cidna. 

Waxa uu ku hanjabay in isaga laftiisu Muqdisho ka dagayo haddii madaxweynaha Somaliland uu isku dayo inuu galo wadahadal aan iyaga lagala tashan. 

Faysal ayaa sheegay in markii hore ee wadahadallada lala furayey Soomaaliya ay saddex xisbi ka heshiiyeen kadibna baarlamaanka loo gudbiyey sidaasna ay “maqaam dowladeed” kula tageen wada hadalka. 

“Markii aan 2012 kii wada hadallada bilaabeynay waxay martay habraac, saddex xisbibaa ku heshiiyey in arrintaa la galo, kadib baarlamaankaa la geeyay baarlamaankuna wuxuu ka saaray qodobkii ahaa ‘in aan Soomaaliya lala hadal’ intaas kadibna waxaan la tagnay maqam qaran oo la isku wada faaqsan yahay,” ayuu yiri Faysal Cali mar uu ka hadlayey sidii ay kusoo bilowdeen wadahallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Faysal ayaa sheegay in aanay jirin wax “hoos hoos u dhacay”, saas darteedna aanu oggolaanayn heshiis aanay wax ka ogeyn. 

“Maantana waxaa weeye, ma dhaceyso wada hadal Soomaaliya iyo Somaliland dhex mari kara,” ayuu yiri isaga oo intaas kusii daray, “Kow Somaliland qalalaasay ku jirtaa, mid dagaal bay ku jirtaa mid siyaasadeed bay ku jirtaa… madaxweynaha waqtigiisii wuu dhammaaday, wax aan isla ogayna ma jirto. 


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan Cabdikariim Xuseen Guuleed u magacaabay ergeyga arrimaha Somaliland, halka Somaliland ay soo wakiilatay Edna Xaaji Aadan.

Ma cadda goorta ay dib u furmi doonaan wada-hadallada, haddii ay labada dhinac dhex-mareen wax xiriiro ah oo ku saabsan in la furo wada-hadallada.  

Isha: BBC










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment