DF oo wada qorshe Muqdisho lagu keenayo Isimida SSC

Bulsha:- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay casuumaad u fidisay Isimida SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, si ay u yimaadan caasimadda ee magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xogaha aan helayno ayaa sheegaya in wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Laascaanood uu Isimida SSC u gudbiyay casuumada madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Jaamac Khaliif oo noqonaya wasiirkii ugu horreeyay ee dowladda federaalka Soomaaliya metalaya ee taga halkaasi, tan iyo markii uu ka billowday dagaalka Somaliland iyo SSC, ayaa waxa uu kulan gaar ah uu xarunta gobolka Sool kula yeeshay hoggaanka Isimada dhaqanka ee SSC.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxay qorsheynaysaa in magaalada Muqdisho shir gaar ah kula yeelato Isimada SSC, si looga wada-hadlo xaaladda magaalada Laascaanood, xilli dowladda muddooyinkii dambe lagu dhaliilayay in aysan kaalin muuqata ka qaadan wax ka qabashada dhibaatada halkaasi ka taagan.

Garaadada oo hormuud u ah dagaalka SSC ay kula jirto Somaliland ayaa laga sugayaa jawaab celinta casuumaadan, ayada oo wararka qaar ay sheegayaan in Isimida ay wasiirka ku wargeliyeen in dhamaantooda aysan wada bixin karin, islamarkaana ay Muqdisho u dirsadaan laba kamid ah Garaadada, taasi oo lasoo warinayo in wasiirka ay u cuntami weysay.

Weli si rasmi ah looma oga sida Isimada ay arrintan uga fal-celin doonaan, waxaana jira warar sheegaya in guddiga 33-ka ee SSC-Khaatumo ay ka biyo diidsan yihiin inay tagaan meel aad uga fog Laascaanood, maadaama dagaal uu kaga furan yahay gobolka Sool.

Dhinaca kale, Wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada ayaa shalay soo kormeerayay goobaha ay saamayeen madaafiicda lagu garaacay magaalada Laascaanood, wuxuuna ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay joojiyaan sida uu sheegay xasuuqa ay ku hayaan shacabka magaaladaasi, isaga oo xusay in dhibaatada ay geysteen meel kasta kusoo arkeen.


Wasiir Jaamac Khaliif ayaa dib ugu laabanaya caasimadda ee magaalada Muqdisho, waxa uuna golaha wasiiradda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya horgeyn doona warbixinta rasmiga ah ee ku saabsan xaaladda ka jirta magaalada Laascaanood.

Si kastaba, booqashada wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa, xilli ay markale dib u qarxeen dagaallada u dhexeeyo labada dhinac oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay bariga iyo galbeedka magaalada Laascaanood.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment