Ra’iisal Wasaare Xamse oo sheegay in sharciga la horkeenayo Askarta dilalka u geysata shacabka

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta shacabka kula tukaday salaaddii Jimcada Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan amniga caasimadda iyo falalkii ka dhacay maalmihii la soo dhaafay.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehellada ay ka geeriyoodeen dhallinyaradii birmo-geydada ahayd ee ku dhimatay dilalkii ka dhacay Caasimadda ee ay ku lug lahaayeen qaar ka mid ah askarta dowladda, waxa uuna sheegay in dhammaantood gacanta lagu hayo, lana horkeenayo sharciga.

 


Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in ciqaabta sharci ee ugu adag la marinayo askari kasta oo gabood-fal ku sameeya shacabka, xukuumadduna ay xoogga saareyso ilaalinta anshaxa iyo howl-gudashada Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo goobaha hubinta dadweynaha ee gudaha Caasimadda laga mamnuucay askari isticmaalaya maandooriyeyaasha.

 

Madaxda isticmaasha waddooyinka ay yaalaan baraha Kontoroolada ayuu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu in ay si habboon ula dhaqmaan ciidamada, maadaama ay u taagan yihiin sidii ay cadowga ummadda Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen.

 

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyey guulaha ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah ay ka soo hoyeen xoreynta deegaannada ay argagixisadu ku dhibaateynayeen shacabka.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay midmino, amni iyo wadajir bulsho in laga wada shaqeeyo, isagoo ummadda Soomaaliyeed u duceeyay, Allaahna uga baryay in colaadda uu ugu beddelo nabad.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment