QM oo sheegtay in la helay macdantii Uranium-ta ee laga waayey Liibiya

Bulsha:- Hay'adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan kormeerka hubka nukliyeerka, ayaa Jimcihii u sheegtay dalalka xubnaha ka ah, inay heshay inta badan, macdantii Uranium-ta dabiiciga ahayd ee dhowaan laga waayey dalka Liibiya, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reutes.

Macdantan oo xaddigeedu gaadhayey illaa 2.5 Ton, ayay hore u sheegtay Hay'adda caalamiga ah ee Tamarta Hubka Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ee IAEA inay ka wayday goobtaas, iyada oo ka digtay inay ka dhalan karto khatar la xidhiidha amniga hubka nukliyeerka iyo mid kale oo la xidhiidha dhinaca shucaaca ka dhalan kara.

Inkasta oo xaddiga macdantan Uranium-ta dabiiciga ahi aanu gaadhayn inta looga baahan yahay in laga sameeyo bam nukliyeer ah, iyo inay u baahan tahayba in dib loo farsameeyo, lana tayeeyo si loo isticmaali karo, haddana hay'adda IAEA ayaa ka walaacsan in halisaha ka dhalan karayey haddii la waayo.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa saraakiisha ciidamada ee Dalka Liibiya ee ka taliya dhinaca bari ee dalkaasi, waxay sii daayeen bayaan ay ku sheegayaan inay heleen foostooyin lagu kaydiyey macdanta Uranium-ta ee dabiiciga ah, iyaga oo ka helay bakhaar u dhow isla goobta.


Hay'adda caalamiga ah ee Tamarta Hubka Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ayaa Salaasadii waxay kormeer ku samaysay goobta ay yaaliin foostooyinkaasi, iyaga oo sheegay inay weli maqan yihiin tiro aad u yar oo ka mid ah macdantaas Uraniumta dabiiciga ah.

Reuters










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment