PUNTLAND oo maanta toogasho ku fulisay 19 QOF

Bulsha:- Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay dad gaaraya illaa 19 qof oo ay horay ugu ridday xukunno dil ah.

Ragga la toogtay ayaa waxaa ku jiray shabakado isku xirnaa oo ka kala tirsanaa kooxaha  Al-Shabaab iyo Daaacish, sida ay shaaciyeen saraakiisha maxkamadda.

Toogashada oo dhacday abaare sideedii subaxnimo ayaa ka dhacday magaalooyinka Gaalkacyo, Boosaaso iyo Garoowe ee maamul goboleedka Puntland.

Ragga la toogtay 13 kamid ah waxa ay ahaayeen xubno ka kala tirsanaa Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo ay Puntland ku eedeysay inay geysteen dilal iyo qaraxyo.

Sidoo kale lix kamid ragga saaka xukunka toogashada ah lagu filiyay waxa ay ahaayeen askar ka tirsanaa ciidamada Puntland oo iyaguna horay dilal uga geystay magaalooyinka maamulkaasi, kuwaas oo lagu ridday xukuno dil ah oo ugu dambeyn maanta lagu fuliyay.


Fulinta xukunkan toogashada ah ayaa waxaa si aad ah u baahiyay warbaahinta, ayada oo laga hadal hayo baraha bulshada, maadaama ay hal mar toogashada lagu fuliyay 19 nin.

Dadka qaar ayaa tallaabadan ku boggaadiyay Puntland, halka kuwa kalena ay aragti ahaan kasoo horjeesteen, maadaama ragga la dilay ay u badnaayeen dhalinyaro.


Ma’aha markii ugu horreysay oo toogasho noocaan ah ay fuliso Puntland, waxayna 27 June ee sanadkii 2021-kii sidaan oo kale tiirka u geysay 21 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Puntland ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay xoojisay dagaalka ay kula jirto kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo fadhigooda uu yahay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment