War Cusub:- Toogasho ka dhacday gudaha xerada Xalane iyo khasaare ka dhashay

Bulsha:- Askari ka tirsan ciidamada sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano SFC ayaa la sheegay in uu toogasho ka geystay gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Askarigaan oo qeyb ah ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa toogasho ku dilay saddex askari oo ay wada shaqaynayeen ka hor inta aan la xirin, sida ay xaqiijiyeen illo-wareedyo amni.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askarigaan uu fiidnimadii Isniintii isku dhaceen saaxiibkiis oo lagu magacaabi jiray Lance Corporal, islamarkaana ay toogashadu dhacday 5:45 subaxnimo.

“Markii uu ku soo laabanayay booskiisii, wuxuu la kulmay nin kale oo ay wada shaqaynayeen, wuuna toogtay. Askari kale oo u soo baxay inuu arko waxa dhacaya isagana waa toogtay,” ayuu yiri illo-wareedkan.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in askariga ay rasaasta ka dhammaatay, isla markaana askari kale oo ka ag dhawaa uu qabtay.

Falkaan oo ka dhacay afafka hore ee saldhiga Xalane ee taliska ATMIS ayaa waxa sidoo kale xaqiijiyay Afhayeenka ciidamada difaaca dalka Uganda, UPDF Brig Gen Felix Kulaigye oo markii hore ka gaabsaday.

Kulaigye ayaa marnabaka hadlin dadka la dilay, balse waxa uu sheegay oo kaliya in illaahadda aan la xaqiijin sababta ka dambeysay toogashada, ayna socdaan baaritaano hordhac ah.


Askariga toogashada ka geystay gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa marka ay soo dhamaato baaristiisa in la maxkamadeyn doono.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment