Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay Xoojinta Iskaashiga Milliteriga

Bulsha:- Wasiirka Difaaca ee Sacuudiga, Amiir Khaalid Bin Salmaan waxa Kulan la qaatay Taliyaha Guud ee Milliteriga dalka Pakistan, General Sayid Asim Munir Ahmed Shah oo haatan booqasho Rasmi ah ku jooga Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh.

Labada Mas’uul waxay ka wada xaajoodeen hababka loo xoojin karo Iskaashiga labada dal ee dhinacyada Milliteriga, Difaaca iyo Danaha Guud ee labada dal ee Arrimaha Gobalka iyo kuwa Caalamiga.

Wakaallada Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa baahisay inuu Taliyaha Guud ee Milliteriga Pakistan, General Asim Munir uu booqasho ku kala bixin doono Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta muddada u dhexeyso bishan January 4-dii ilaa 10-da.

General Asim Munir waa socdaalkii u horeeyey ee uu ku tago dalka Sacuudiga tan iyo markii loo magacaabay Xilkaasi bishii November 24-dii ee sanadkii hore ee 2022-kii, waana Taliyihii 11-aad ee xilka Wasiirka Difaaca ka soo noqda dalka Pakistan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment