Madasha Siyaasadda Puntland oo looga dhawaaqay Garowe.

Bulsha:- Madashan waxaa xubno ka ah Siyaasiyiin Federaalka xilal ka soo qabtay, kuwaasoo ah Musharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha Puntland, waxaana qeyb ka ah Wasiiradii hore ee arrimaha dibadda Cabdi Siciid Muuse iyo Axmed Ciise Cawad.

Ujeedooyinka ugu waaweyn ee loo aasaasay madashan waxaa lagu sheegay iney tahay ilaalinta xasiloonida, sareynta sharciga iyo in doorashada Puntland ay waqtigeeda ku dhacdo.

“Xaqiijinta in Puntland ay ka dhacdo doorasho hufan, loo dhan yahay oo si nabadgeyo ah ku dhacda laguna soo doorto Baarlamaan, Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen 8da Jannaayo, 2024”. ayaa lagu yiri bayaankii u horeeyay oo ay soo saareen.

Madasha oo canbaareysay dilalka ay ciidamadda Somaliland shacabka ugu geysanayaan magaalada Laascaanood ayaa dhinaca kale soo saartay baaq culus oo ka kooban 5 qodob.

1. In shacabka reer Puntland ka digtoonaadaan dhagarta siyaasadeed iyo marin habaabinta lagu dhexwado nidaamka doorashooyinka.

2. In hay’adaha amnigu aanay ku dhexmilmin siyaasadda kuna ekaadaan waajibaadkooda dastuuriga ah ayna u hogaansamaan sharciga.

3. Madashu waxay bogaadinaysaa isimada Puntland waxayna ugu baaqaysaa in ay qaataan dawrkoodii shariifka ahaa ee ay kaga jireen xasiloonida iyo midnimada Puntland.

4. In la isugu yimaado shir wadatashi ah oo looga arrinsanayo xaaladda doorashooyinka Puntland.

5. In la joojiyo diiwaangelinta hubaysan ee xukuumaddu waddo si looga baaqsado isku dhac amni iyo shaqaaqooyin ka dhasha hannaanka doorashooyinka aan loo dhammayn













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment