Erdogan oo xabbad-joojn hal dhinac ah ku cadaadiyey Putin

Bulsha:- Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ku cadaadiyey dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin inuu xabbad-joojin “hal dhinac ah” uga dhowaaqo Ukraine.

“Madaxweyne Erdogan waxa uu sheegay in baaqyada nabadeed iyo wada xaajoodka ay tahay in lagu taageero xabbad joojin hal dhinac ah iyo aragti lagu doonayo xal dhex-dhexaad ah,” waxaa sidaas laga soo xigtay xafiiskiisa inuu u sheegay Putin oo ay ku wada-hadleen taleefonka.

Erdogan ayaa lagu waday inuu wadahadalka raaciyo mid kale oo gaar ah oo uu la yeelanayo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky galinka dambe ee Khamiista maanta ah.

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa u adeegsanaya xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay Moscow iyo Kyiv inuu isku dayo inuu dhexdhexaadiyo in la joojiyo dagaalka.

Turkey ayaa martigalisay laba wareeg oo hore oo wadahadallo nabadeed ah, waxayna gacan ka gaystay in la fuliyo heshiis ay Qaramada Midoobay taageereyso oo dib loogu soo celinayo in haruurka Ukraine laga gudbiyo Badda Madow.

Erdogan ayaa sidoo kale marar badan isku dayay inuu Putin iyo Zelensky keeno Turkiga, oo uu u qabto shir madaxeed nabadeed .

Baaqa Erdogan ee xabbad joojinta ayaa daba socday soo-jeedin horraantii Khamiista ka timid hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Ruushka Patriarch Kirill oo ku aadan in xabad-joojin la sameeyo toddobaadkan ciidda masiixiga darteed.


Erdogan wuxuu awooday inuu sii wado xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay Putin, isagoo diiday inuu ku biiro cunaqabateynta Reer Galbeedka ee Ruushka, iyo kor u qaadista ganacsiga labada dhinac inta uu socdo dagaalka.

Labada hogaamiye ayaa hadda isku dayaya qorshe ay ku doonayaan inay ku sameeyaan xarun gaaska dabiiciga ah looga dhisayo Turkey, taas oo siin karta Ruushka hab kale oo uu gaaska ku gaarsiiyo Yurub.

Xafiiska Erdogan ayaa sheegay in Turkigu "xoojiyey oo uu sii wadi doono xoojinta kaabayaasha" xarunta la soo jeediyay.

Labada hoggaamiye waxay rajeynayaan inay "sida ugu dhakhsaha badan u fuliyaan mashruuca,” ayuu yiri xafiiska Erdogan.

AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment