Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo la shaaciyay xilliga la qabanayo

Bulsha:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa war-saxaafadeed ay si wada-jir ah u soo wada saareen ku shaaciyay xilliga la qabanayo shirka dib u heshiisiinta maamulkaasi.

War-saxaafadeedkaan ayaa lagu sheegay in furitaanka shirka loo asteeyey 5-ta Janaayo ee sanadka cusub ee 2023-ka, kaas oo ka dhici doona Baydhabo.

Shirka dib-u-heshiisiinta ah ayaa waxaa hore ugu baaqay Guddoomiye Aadan Madoobe, ayada oo uu soo dhaweeyay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen oo si weyn isku hayaan siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

12-ka bisha December wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka kooban xildhibaano dowladda federaalka ah oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed iyo aqoonyahano ayaa gaarey magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool si ay uga bilaabaan geediga wada-tashiga shirka dib-u-heshiisiinta ah.

Laba maalmood kadib gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxay gaaraan magaalada Baydhabo halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed, qaar kamid ah Xildhibaanno ka tirsan BFS, Odayaasha Dhaqanka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Aadan Madoobe ayaa inta uu ku sugnaa Baydhabo waxa uu la kulmay Odayaasha dhaqanka, qeybaha kala duwan ee ururada bulshada iyo laamaha amaanka qeybahooda kala duwan. Sidoo kale odayaasha dhaqanka ayaa soo dhoweeyay qabashada shirweynaha dib u heshiisiinta waxey na ku baaqeen in sida ugu dhakhsiyaha badan loo qabto shirka.

Gunaanadkii kulamadii uu la yeeshey gudoomiyaha Golaha Shacabka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa waxay isla-qaateen:

In dhamaan  qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.

In la xoojiyo  xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer (fedaraal iyo dowlad goboleed) si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada si looga xoreeyo dalka kooxaha Khawaarijta.

In laga wada-shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

In sida ugu dhakhsiyaha badan Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu u soo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dar dar galinta shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta heer farsamo.

Furitaanka shirka waxaa loo asteeyey 5-ta Janaayo 2023-ka kaas oo ka dhici doona Baydhabo.


Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mahad celinayaa soo dhoweyntii diiraneyd ay u sameeyeen madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment