Morocco vs France: Calanka Morocco ma kasii baban doonaa Koobka Adduunka?

Bulsha:- Calamada, funaanadaha xulka qaranka iyo boorarka ay ku xardhan yihiin ciyaartooyda ayaa si buuxda loogu soo bandhigay magaalooyinka waddanka Morocco, gaar ahaan Rabat, kahor kulanka Morocco ay semi-finalka Koobka Aduunka maanta la ciyaareyso xulka Faransiiska.

Morocco ayaa heli doonaanta taageero aad u fog, maadaama oo noqotay xulkii ugu horeeyay ee Carab ama Afrikan ah ee gaara halka ay maanta joogaan ee Semi-finals-ka.

Waddamada Carabta ayay si gaar ah u soo jiidatay ka faa'iideysiga Morocco ee Koobka Adduunka, maadaama Koobkani yahay kii ugu horreeyay ee lagu qabto dhul Carbeed.

Morocco ayaa dhaaftay heerkii laga filaayay kadib markii ay garaacday xulal aad u sareeya oo Yurub ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Belgium oo ay isku qeyb ahaayeen, iyo Spain iyo Portugal oo u soo baxay wareegga 16ka.

Calanka Morocco ayaa sidoo kale lagu iibinayaa Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe, iyadoo taageerayaashu u kala ordayaan waxyaabo xusuus-reeb leh, si ay u faxad geliyaan xulka Morocco.

"Waxaa jira baahi weyn oo loo qabo calamada Morocco, sababtoo ah waa waddankii ugu horreeyay ee Carbeed ee u soo baxa semi-finalka" ayuu yiri Karim Mohammed Qotb, oo calamada ku iibiya waddooyinka magaalada Qaahira ee waddanka Masar.


Marinka Qaza, Eyad Abu Teir wuxuu dibadda uga soo dukaamaysanayay midabada Morocco. “Guusha Morocco waa guul u soo hoyatay guud ahaan umadda Carabta, haddii aan nahay Carab, waa in aan ka wada qayb qaadanaa,” ayuu yiri.

“Waxaan rajaynaynaa inay garaacaan Faransiiska oo ay koobka qaadaan, Morocco waa Carab iyo Afrikaan, Carabta iyo Muslimiinta oo dhan waxay ugu duceynayaan Morocco inay badiso" ayuu yiri Mohammed al-Andaz oo jooga Liibiya.

Reuters.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment