FARGEETI oo shaaciyay dhinacyo kale oo qeyb ka ah dagaalka ka qarxay Baydhaba

Bulsha:- Wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti ayaa ka hadlay dagaalka saaka ka qarxay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kadib markii weerar lagu qaaday gurigiisa.

Fargeeti ayaa shaaciyay in ciidamada weerarka kusoo qaaday guriga uu ka degan yahay Baydhaba aysan aheyn kaliya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, balse ay qeyb ka ahaayeen kuwa Booliska Federaalka, NISA iyo ciidanka Xoogga SNA.

“Waxaa saaka aroortii gurigeyga Baydhaba ku yaal weerar gardaro ah ku soo qaaday ciidamo isugu jira Booliska Federaalka, NISA, Ciidanka Xooga SNA iyo darawiishta Koonfur Galbeed. Wilina dagaalka wuu socda,” ayuu Fargeeti ku yiri qoraal kooban oo uu soo saaray.

Fargeeti oo kamid ah mucaaradka diidan muddo kororsiga Lafta-gareen ayaa wax kulahaa abaabulka ciidamada Badbaadada ee dhawaan looga dhawaaqay maamulkaasi, waxayna wararku sheegayaan in gurigiisa ay ku dagaalamayaan ciidamada Badbaada iyo kuwa maamulka oo qeyb ka yihiin ciidamada federaalka.


Wararka ayaa intaas kusii daaray in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka, inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn, maadama ay illaa hadda socoto xabada oo laga maqlayo gudaha magaalada.

Xaaladda magaalada Baydhaba ayaa maanta aad u kacsan, waxaana gebi ahaanba hakad galay isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga magaalada.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa hore u sheegay in maamulka Koonfur Galbeed aan looga baahneyn ciidamo badbaado, islamarkaana aysan ka shaqeyn karin, xili uu qorshahaan ka dhashay muddo kororsiga uu sameystay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment