Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa degmada Doolow oo deg deg looga qaaday

Bulsha:- Waxaa isbedel lagu sameeyay Ciidamada Itoobiya ee kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo ku sugnaa sanadihii la soo dhaafay Garoonka Diyaaradaha Degmada Doolow Soomaaliya ee gobolka Gedo.

Ciidamo farabadan oo kamid ah kuwa Itoobiya ayaa lagu warejiyay Garoonka Dooloow halka dalkooda dib loogu celiyay kuwii horay u joogay, waxaana munaasabadda lagu bedelayay Ciidamada ku sugnaa Taliyaha nabadsugida Gobolka Gedo dhawaan loo Magacaabay ee Janeraal Jamaal Xasan Sareey.

Taliyaha ayaa Ciidamada kaga mahad celiyey sida ay uga qeyb qaateen amniga Garoonka, isagoona kuwa cusub ku soo dhaweeyey Degmada sheegayna in si weyn ay uga qeyb qaataan Ammaanka guud ee Garoonka iyo Degmada intaba.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay wadashaqyen dhow wada yeelan doonaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Nabadsugida Gobolka Gedo si amniga guud ee Gobolka looga wada Shaqeeyo sidoo kalena loola dagaalamo Al-Shabaab.

Degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay siweyn loga dareemayay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed kadib markii ay halkaasi tageen Wasiirkii hore ee Amniga Jbbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur  ( Janan) iyo Sanoter Fartaag oo kamid ah Xidhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment