Bulsha:- Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya inay ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ay gudaha u galeen degmada Aadan Yabaal oo ka mid ah degmooyinka muddo dheer ay ku sugnaayeen Alshabaab.
Ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ayaan wax iska caabin ah aan kala kulmin dagaalamayaasha Alshabaab,iyadoo la sheegay in dagaalamayaasha Alshabaab ay ka baxeen degmada Aadan Yabaal.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan magaalada Aadan Yabaal.
Inta badan shacabkii ku sugnaa magaalada Aadan Yabaan ayaa ka barakacay kahor inta aysan ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya gudaha galin magaalada.
Ururka Alshabaab ayaa gacantooda ka baxay deegaano badan oo ka mid ah dowlad goboleedka Hirshabelle kadib markii ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ay bilaabeen dagaal ay ugala wareegayaan Alshabaab deegaanadii ay sanadihii la soo dhaafay ay haysteen.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment