Cali Jeyte oo shacabka amray iney isaga barakacaan laba deegaan oo bartilmaameed u ah.

Bulsha:- Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa fariin dhiilo xanbaarsan u diray dadka shacabka ah ee ku sugan deegaanada fara ku tiriska ah ee ay haatan Shabaab ka joogaan gobolka Hiiraan.

Mr. Jeyte ayaa carabka ku dhuftay in bartilmaameedkooda koowaad uu yahay deegaanada Ceel God iyo Ceel Boore, isagoo dadka ugu baaqay iney isaga fogaadaan goobahaasi.

“Waxaan rabaa sida madaxweynaha jamhuuriyaddu ugu dhowaaqay deegaamada ay dagan yihiin nimankan shayaadiinta ah ee Al-Shabaab in laga fogaado. Dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed meel kasta oo ay nimankaa joogaan waa inay ka fogaadaan, qaasatan deegaanka Ceel God, Ceel Boore iyo meelaha la mid ah” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte.

Related Posts
Cali Jeyte oo hormuud u ah gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa tilmaamay in ujeedkooda aanu eheyn iney dhibaateeyaan dadka shacabka ah, cida hubka ay u qaateenna ay tahay sidii loo bad baadin lahaa nolosha dadka shacabka ah.

“Nimankaas waa nooc faris ah, waxayna rabaan inay dadka ku dhex dhuumaaleystaan, annagana waxaan rabnaa in shacabka Soomaaliyeed uu badbaado, iyagana aan burburino haddii Alle Idmo,” ayuu markale yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.


Kooxda Shabaab oo jab xooggan lagu gaarsiiyay howlgalada ka socda Hiiraan ayaa qaadatay go’aan ah iney hore usii kaxeystaan dadka shacabka ah, waxeyna gabaad uga dhiganayaan duqeymaha dhanka cirka ah oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment