Booliiska oo xiray oo nin ku lug lahaa kufsi iyo Muuqaal Anshax xumo ah oo la baahiyay

Bulsha:-  Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho ku xiray nin dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa fal isugu jiray kufsi iyo muuqaal laga duubay gabar dhallinyaro ah.

Falkan oo ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa geestay saddex wiil oo dhallinyaro ah kuwaa oo kufsaday gabar yar oo meel cidlo ah geesteen kaddibna ka duubeen muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada booliiska shalay degmada Dharkeenley kasoo xireen Maxamed Cali Maxamed oo kamid ahaa rag kufsi u geestay gabar Baardheere kunool.

Waxa uu sheegay afhayeenka in ninkan uu kasoo baxsaday Baardheere markii uu kiiskan soo ifbaxay, waxa uuna xusay in booliiska dal iyo dibadba ku raadjoogaan raga baxsadka ah ayna rejo ka qabaan in ay soo qabtaan.

Ehelada gabadha la kufsaday ayaa ka codsaday laamaha ammaanka iyo hay’adaha cadaaladda in ay ciqaab adag marsiiyaan raga kufsiga u geestay gabadhooda kana duubay muuqaalka anshax xumada ah.


Kufsiga ay ragan dhallinyarada ah u geestay gabadha yar kaddibna ka duubeen muuqaalka ayaa si weyn hadal heyn uga abuuray baraha bulshada, waxaana falkan si weyna uga argagaxay una cambaareeyay inta badan dadkii daawaday.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment