Twitterka oo joojiyey siyaasad lagu xakamaynayey wararka aan sugnayn

Bulsha:-  Shirkadda Twitterka ayaa meesha ka saartay siyaasaddii lagu xakamaynayey wararka been abuurka ah ee la xidhiidha xanuunka COVID-19, taasoo haatan laga yaabo inay kor u qaado in shabakadda lagu wadaago wararka aan sugnayn ee ka dhanka ah xanuunka COVID-19, tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo dalka Shiinaha iyo meelo kale oo caalamka ah laga soo sheegayo inay kor u kaceen tirada dadka laga helay xanuunka COVID-19.

Tallaabadan ayaa su’aal gelinaysa, habka uu maamulka cusub ee shirkadda Twitter ula macaamilayo la dagaalanka macluumaadka khaldan ee lagu wadaago shabakaddan isgaadhsiinta, maadaama maamulka cusub ee shirkadda iibsaday uu shaqada ka eryey kala badh shaqaalihii shirkadda.

"Laga bilaabo bishan November 23-keedii, shabakadda Twitter ma dhaqan gelinayso siyaasadda la xidhiidha macluumaadka marin habaabinta wata ee COVID-19," ayaa lagu sheegay qoraal ka so baxay maamulka shirkadda. Warkan ayaa markii ugu horraysya waxaa tebiyey telefiishanka CNN Salaasadii.


Illaa haatan xog badan lagama hayo tallaabooyinka xiga ee ay shirkaddu qaadayso, sidoo kalena codsiyo loo diray si wax looga weydiiyo arrintan ayaanay ka soo jawaabin.

Reuters










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment