Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in jab xooggan Shabaab lagu gaarsiiyay weerarkii Qaayib.

Bulsha:- Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in milatariga Soomaaliya iyo Dadka degaanka ay Al-Shabaab ku jabiyeen dagaal ka dhacay deegaanma Qaayib ee degmada Baxdo, ka dib markii ay Al-Shabaab saaka weeraro ismiidamin ah ku qaadday saldhig miltariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Qaayib oo ka tirsan gobolka Galgaduud, sida ay baahisay Wakaaladda wararka ee SONNA.

General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sidoo kale warbaahinta Qaranka u sheegay inay khasaaro gaarsiyeen kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa saaka salaaddii subax kadib ka billowday deegaanka Qaayib oo qiyaastii dhowr iyo soddon kiiloomitar u jira magaalada Baxdo, waxaa la sheegay in labo gaari oo lagu soo raray walxaha qarxa lagu weeraray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka oo taaageero ka helayo militeriga Soomaaliya ee fadhigeedu yahay deegaankaas.




Wararka waxay intaa ku darayaan in rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka xilli dagaal xooggan uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo kooxihii weerarka soo qaaday










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment