Dowladda oo sheegtay in 15 Shabaab ah lagu dilay duqeyn ka dhacday Sh.Hoose.

Bulsha:- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 15 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku dishay weerar dhinaca cirka ah oo ka dhacay deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda, xubnahan ayaa ah kuwo ka badbaaday weerar 23-kii bishan isla deegaankan ka dhacay oo lagu dilay 49 Shabaab ah.

Duqeyntan ayaa la sheegay in lagu beegsaday gawaari ay ku baxsanayeen xubnahan Shabaabka ah, iyadoo ciidamadda dowladda ay haatan ku sugan yihiin deegaanka weerarkan dhinaca cirka ah uu ka dhacay.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka dowladda.

WAR SAXAAFADEED

Inta la ogyahay 15 xubnood oo ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan iyo duqayn ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.


Xubnahaan Khawaarijta ee la laayay oo si gaar ah uu ugu daba jiray Sirdoonka Soomaaliya ayaa ahaa firxadkii ka bad baaday howlgal 23-kii bishaan laga fuliyay deegaankaan kaas oo lagu dilay 49 dhagar qabe.

Ciidanka gaarka ah ee hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa burburiyay gaadiid ay ku baxsanayeen Khawaarijta iyo hubkii ay wateen.

Dhanka kale, Khawaarijta Al-shabaab ayaa si wayn loogu jabiyay dagaal saaka ka dhacay magaalada Qaayib ee gobalka Galgaduud, ka dib markii Khawaarijta oo isku dayaya inay arbushaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka.


Goobta waxaa hadda si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaana hadda lagu sii daba jiraa firxadka Khawaarijta.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment