DF oo markii ugu horreysay xirtay qaar kamid ah akoonada maaliyadeed ee Al-Shabaab

Bulsha:- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku guulaysatay inay xanibto akoono maaliyaddeed oo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen xawaaladaha iyo bangiyada dalka, sida uu shaaciyey wasiirk ku-xigeenka warfaafinta.  

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in akoonada la xanibay ay ku jirtay lacag badna oo kooxda Al-Shabaab ay u adeegsaneyseen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

“In ka badan toban kun oo farriimood ayaa nasoo gaaray, kuwaas oo dadku nagula wadaagayeen akoonada ay Khawaarijtu lacagaha ugu diri jireen, taasoo keentay in bangiyada iyo xawaaladuhu xannibeen akoonnadaas oo lacago ugu jireen Khawaarijta,” ayuu yiri Al-Caddaala. 

Wasiirka ma sheegin shirkadaha ay akoonadan ugu furnaayeen kooxda Al-Shabaab iyo haddii ay jirto tallaabo ay dowladda qorsheyneyso inay ka qaado.

Wasiir Al-Caddaala waxaa uu sheegay in tallaaabadan ay qeyb ka tahay dhaqan galka go’aanno dowladda kasoo baxay oo lagu cuuryaaminayo ilaha dhaqaale ee Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa qiyas ay sameysay waxa muujineysaa in dakhliga Al-Shabaab usoo xarooday sanadkii uu yahay 182 milyan oo dollar.

Al-Shabaab ayaa Soomaaliya ka sameysay dowlad dadban oo dhinac socota tan federaalka, taasi oo soo xareysay lacagtan oo badankeed ka timaada canshuurta iyo lacagta kale ee baadda ah ee laga qaado shacabka. Canshuurta xooggeeda ayaa Al-Shabaab uga soo xaroota dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada shacabka.


Dakhliga ay Al-Shabaab kasoo xareyso lacagta ay ka qaado dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada kale ee gaaraya $120 milyan, halka lacagaha kale ay ku hesho gobollada kale ee dalka. 

Si kastaba, wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay inay qaar kamid ah ganacsatada dalka ay hadda qaateen go’aankii dowladda ee ahaa inay diidaan inay lacag siiyaan Al-Shabaab, taasoo uu tilmaamay inay si weyn u saameyn ugu yeelatay kooxda Alshabaab.

Ugu dambayn, wasiir Al-Caddaala wuxuu farriin culus u diray cid kasta oo aan fulin awaamiirta dowladda kasoo baxay. Wuxuu caddeeyay in ciqaabaad adag lagu fulin doono cid kasta oo Alshabaab dhaqaale siiya ama xog u gudbiya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment