Ciidamadda dowladda oo isaga baxay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Bulsha:- Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamadda dowladda ay xalay isaga bexeen deegaanka Wabxo oo dhamaadka todobaadkii hore ay kala wareegeen kooxda Al-Shabaab kadib dagaal mudo saacada ah socday.

Wararka la helayo waxa ay tilmaamayaan in ciidamadda ay dib ugu soo laabteen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaasoo ah meesha ay markoodii hore ka duulaan tageen, waxaana jirta hadal heyn ka dhalatay talaabadan.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo kamid ah saraakiishii howlgalka lagu qabtay Wabxo hoggaamineysay ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage uu bixiyay amarkan, isagoo carabka ku dhuftay ineysan garaneynin sababta rasmiga ah ee aarintaasi ka danbeyso.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in go’aanka la qaatay kadib markii dalalka taageera Soomaaliya ay bixiyeen digniinta ah iney khatar wajahayaan ciidamadda halkaasi ku sugan oo ay hareerohooda isku uruursanayaan Shabaabkii ugu badnaa oo doonaya iney weerar cag marin ah kusoo qaadaan Wabxo.

Dowladda Somaaliya ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin sababta keentay in Ciidamadeeda ay kasoo saarto degaanka Wabxo, waxaana xusid mudan in shalay diyaaro siday Ciidamo horleh ay gaareen degmada Maxaas si ay ula wareegaan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment